Khiyaanada Qarniga: Sida Mareylkanka & Imaaraatka ay khaarijinta Jabuuti isula qorsheeyeen (Qeybti 2-aad)

0
56

Qeybtii 1-aad halkan ka aqri: Marka waxaa muuqata in dheesha martigalinta ciidamada ay u macaanaatey Geelle oo billaabay sanadkii 2009-kii in Japan uu siiyo saldhig ciidan oo ay joogaan 400 oo askari, sidoo kale waxa uu saldhig siiyay Talyaaniga waana laba ciidan oo aan sida caadiga ah ilaa ay maantaadan ciidammo dibadda ka joogin, sidoo kale Dowladda Sucuudiga ayuu siiyay saldhig ciidan, oo lagu waday in ay noqoto dowladdii Khaliijka ahayd ee ugu horreysay oo saldhig ciidan dibadda ku yeelata.
Geelle, si fiican ayuu u qorsheeyay dheesha ah in waddanka laga dhigo meel ciidamada caalamka lacago lagaga qaato si la isugu miisaamo kuwa ay u badan tahay in ay amniga adduunka masuul ka noqdaan, marka laga reebo isu miisaamidda qarsoon ee ka dambaysa saldhigyada kala duwan ee la kiraynayo, haddana faa’iidada lacageed ay ka helayso Dowladda Jabuuti saldhiyadaa la kiraynayo ma aha mid sahlan, waxaana lagu qiyaasaa boqollaal malyan oo doollar.
Tusaale ahaan, dowladdu Faransiisku waxa ay bixisaa sanadkii $30,000,000 oo ah kirada saldhigeeda, Jabbaan na waxa ay dhiibtaa $33,000,000, Maraykankuna $63,000,000, intaa waxaa sii dheer faa’iidooyinka dhaqaale ee kale ee hawlgalinta saldhigga, martigelinta ciidamada, dhaqdhaqaaqa diyaaradaha iyo dakadaha oo intaas oo jeer ka badan tirada aan soo sheegnay.
CALALINTA IN KA BADAN INTA LA CUNI KARO
Sanadkii 2015-kii ayay dheesha Geelle ka caraysiisay reer Galbeedka oo uu Maraykanku ugu horeeyo, kadib markii uu sii watay dheeshiisa bixinta saldhigyada isaga oo aan eegaynin kuwan laga kireeyo waxa ay heshiis ku yihiin iyo waxa ay isku diidan yihiin, tallaabada ugu dhiiranna waxa ay ahayd markii uu Shiinaha siiyay saldhig dhawr mitir u jira kan Maraykanka, kaas oo la furay 15-kii Agoosto ee sanadkii la soo dhaafay.

Tillaabadaa oo Maraykanku uu arkay in ay sii xoojinayso damacii isballaarinta millatari ee Shiinaha ee Aasiya iyo Afrika, iyo sidoo kale xiriirka isa soo taraya ee Bakiin iyo Jabuuti, iyada oo uu Shiinuhu maalgalinayo mashaariic hormarineed oo qiimahoodu gaarayo $14,000,000,000 (14 bilyan) oo uu Jabuuti ugu dhisayo jidad, garoomo iyo dakado oo uu ka jiro is ciriiri wayn oo uu sabab u yahay shaqaaqooyinka ka jira dowlada Saaxilka ee mandiqadda ku yaal, sida Yaman iyo Soomaaliya, halka Jabuuti ay ka dhistay 6 dakadood oo cusub oo aan ahayn kuwa hadda shaqeeya.
Waqtiba waqtiga ka dambeeya, waxaa sii kordhayay walwalka ay Washington ka qabtay xowliga uu ku socdo awoodda dhaqaalaha Shiinaha ee Qaaradda Afrika, iyo xiriirka sii ballaaranaya ee uu Jabuuti la yagleelay, Maraykanku waxa uu walwal kale ka qabaa saldhigga Shiinaha oo 6 mayl oo kaliya u jiray kiisa in uu saameeyo danihiisa amni oo ay ka mid yihiin hawl-galladiisa qarsoon ee uu ka waday Soomaaliya iyo Yaman, si gaar ah waxa uu uga walwalsanaa Jabuuti oo ku dhacday dabinka daymaha ee Shiinaha iyo in uu gaadhay daynka guud ee Jabuuti 80% marka loo eego wax soo saarkeed guud ee gudaha (GDP), daynkaas oo inta badan uu Shiinuhu leeyahay taas oo u sahlaysa in ay saamaynku yeeshaan go’aanada dhaqaalaha iyo siyaasadda ee nidaamka Geelle.
Dhab ahaantii, waxaa muuqatay in Jabuuti ay ku guulaysatay in ay xilli hore dareento cabsida ay qabto Washington, makii ay ka dalbatay Maraykanka bishii Agoosto 2015 in ay ka guurto dakadda iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee ay ka dagan tahay magaalada xeebta ah ee Ubukh, kaddib uu Shiinuhu magaaladaa ku maal gashaday ku dhowaad $14,000,000 si uu u hormariyo dakadda sanadkii 2009-kii, isagoo u saxiixay heshiis u ogolaanaya in ay adeegsadaan dakadda ilaa 2026-ka.
Sida furan ee ay Jabuuti Shiinaha ula macaamishay iyadoo aan eegin isle’egta juqraafi siyaasadeed ee jirta, waxa ay u ekayd isbiimayn dhiifoon oo uu la yimid madaxweyne Geelle, laga soo billaabo tan iyo markii ay ka soo muuqatay in uu ka xoroobo in si kulli ah ugu tiirsanaado reer Galbeed iyo Maraykan, ama ugu yaraan in uu helo masaafo uu kula dhaqmi karo dowlad aan u aaba yeelin hadallada dhaqanka u ah reer Galbeedka ee ku saabsan xuquuqul insaanka siyaasadaysan, waxaase muuqatay in isbiimayntii Geelle ay dhaaftay intii loo ogolaa ilaa Washington ay isku dayday in ay u adeegsato awoodeeda diblomaasiyadeed si ay u hor istaagto in mar 4-aad dib loo doorto doorshooyinkii 2016-kii, iyada oo isku dayaysay in ay soo saarto hoggamiye kale oo ka maqcuulsan, marka dhankeeda wax laga eego, danaheedana ilaalin kara.
La soco qaybta 3-aad…
Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur




SOURCE: Khiyaanada Qarniga: Sida Mareylkanka & Imaaraatka ay khaarijinta Jabuuti isula qorsheeyeen (Qeybti 2-aad)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.