Khubaro: Haweenka Lagu Fara Xumeeyo Mareykanka Oo Ka Badan Kuwa Soomaaliya

0
104

Khubaro tiro ahaan gaaraya 548 qof, oo ka tirsan Thomson Reuters Foundation ayaa sheegaya in dalka Mareykanka uu kaalinta 3aad ugu jira dalalka sida xun loogu fara-xumeeyo dumarka.
Sida warbixinta lagu sheegay, haweenka ku nool Mareykanka waxaa ay la kulmaan fara xumeyn ka badan haweenka la kufsado dagaallada, ama kufsadaan dad ay yaqaanaan ama kuwoo aaney aqoon ee ku nool dalalka Saudi Arabia, Afghanistan, Pakistan, Mexico iyo Somalia.
Khubadan waxaa kale oo ay sheegayaan in tacadiyada aan jinsiga aheyn ee loogu geysto haweenka gudaha Mareykanka uu dalkaasi galay kaalinta 6aad, waxaa 7aad ah Sacuudiga.
Markii ay Mareykanka ka bilaabatay ololaha The #MeToo, waxaa soo if-baxay dhibaato badan oo aan horay u muuqan kuwaas oo lagula kaco haweenka Mareykanka.
Dalka India ayaa ah dalka ugu kharatsan gabood-fallada loo geysto haweenka, maalin walba waxaa loo booliiska dalkaa loo geeyaa cel-celis ahaan 100 kiis oo arrimahan la xiriira.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Khubaro: Haweenka Lagu Fara Xumeeyo Mareykanka Oo Ka Badan Kuwa Soomaaliya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.