QISO DHABA FARXADA AAN WAJIGA KA ARKAYO WEY IGA QIMO WEYN TAHAY KILI JIRKEYGA KU JIRTA
HALKA AAD KA AQRISANEYSO WAA KOOLKOOLI.COM
waxan si dhaba u jeclaa xaaskeyga manaba kamaanan xiisa dhigin in maalinba malinta ka danbeysa uu jacaylkeeda igu sii siyaado
waxaan ahaa shaqaalo shaqadiisa aay ku filan tahay qoskiisa xaskeyga manaba umaanan weyn wax waliba oo aay iga codsata waxaanse mararka qaar u keeni jiray hadiyado mararka qaar aan awoodi karin gadistooda balse aan ku soo qaadi jiray deen si aan xaaskeyga oga arko farxad wajigeeda
waxay ii dhashay xaaskeyga 3 caruur ah labo gabdho yahiin halna wiil yahay
nolosheydi iga meysan muuqan in aan ka gaabiyay ku filnaashaha carurta aan dhalay oo wax waliba aay xirtaan ama ku ciyaraan facooda agtooda ayaan soo tuuri jiray
xaaskeyga waxay si dhaba u jecleyd in waqti kasta aay hesho waxa aay heystaan faceeda sida,
in aay xirato dahab qiimahiisa aad u sareeyo
in aay ku socoto gaari aad u qaali ah
in aay ka soo shoping gareesato carwooyinka caanka ah waxoda qali yahay
in habenadii aay u casho doonato maqayoyin aan shaqaba liga ogoleyn in aan wax ka ibsado iskaba daaye
balse anigoo sidaa u og xaaskeyga. ayaan ahaa mid waqti kasta u dhisa niyada, waxaanse ku qancin jiray in malin un aan u sameyn dono waxa aay rabto
malin waliba marka aan gurigeyga yimaado waxaa li hor keeni jirtay waxa aay heblo xirato iyo waxa uu heblow u gaday.
waxaan nafteyda ku oran jiray war miyeysan ogeyn in biilka guriga iyo bixinta caruurta nolol maalmoodkooda uu yahay mid dirqi igu ah
malinba malinta ka sii danbeysa buuqa gurigeyga waa uu ku sii darsamayay sababa la xiriira wax yaabo qaar oo aan awoodi wayay
habeyn habeynada ka mida anigoo u soo dhaqsaday xaskeyga ayaa waxaan u imi iyada oo wajigeeda ka muuqda caro waxaanse sualay waxa ku dhacay kadib waxa aay igu tiri waxan rabaa in aad malinka bari ah ii keento talefonka aan talefonada ugu jeclahay IPHONE 7
galinkii danbe ee malinkii la ii qabtay anigoo ku jira fadhiyana meel u dhow halka aan ka shaqenayay kana fikiraya waxa liga sugayo ayaa waxa ii yimid mid saxibkey ah..
saxibkey waxa uu iga codsaday in aan maanto u raaco hospitalka oo aay ku folaneyso xaaskiisa. kama aan laba labeyn oo si fudud ayaan u raacay
waxan tagnay hospitalkii ee aan u soconay waxaanse galnay sugista dhaqtarka gabadha ka dhalinayay,inta aan suganay waxa loo wacay saxibkey. ujeedkuna waxa uu ahaa in uu bixiyo form ama waraqad
waxanse anigoo fadhiya halkeyga indhaheygu qabteen meel aad logu shamumsan yahay dadna aay onayaa kuwa kalena aay amusinayan. waan soo kacay si aan u ogaado waxa mesha ka jiro
waxanse wiil mesha fadhiyay ii fududaatay in aan weydiyo waxa ka jira meshan hadaladii ina dhax maray waxa ka mid ahaa
adeer macan maxa dhacay
adeer waxa dhacay abtigey ayaa koomo ku jira
oo adeer maxey dadka la onayan haduusan dhiman
adeer mid kamida kilidiisa ayaa shaqadii gabtay aya la yiri oo kili iib ah ma heyno
aderow meqo ayaa laisiinayaa hadii aan keenno
ader wax waliba oo aad shegato
intaa marki ay na dhax mareyn wiilkii waxan ku iri qorta numberkeyga 3saac ka dib waxaad iga heleysaan jawaan dag dag ah
aniga waan iska soo tagay si aan sualo kaligey isku weydiyo waxaanse imaaday meel aad uu jawigeda u dagan yahay waxaanse is weydiyay hadii maanta aad kilidaada gado xaaskaaga ma heleysaa waxa aay kaa codsatay jawaabta ii soo baxdayna waxa aheyd haaa kadibnah kaamanan labo labeyn oo waxaan isa saaray saalada si aan kilada ugu bixiyo dadka u baahi qabay
koomo ayaan galay waanse soo naaxay, waxanse imi gurigeyga anigoo ku socda garigii aay jecleyd xaaskeyga waxaanse boorso ku waday dahabkii aay waqti kasta ku riyoon jirtay anigoo soo iloowin talefonkii IPHONEKA 7AHAA
waxan sidii aan u waday farta ka saaray xaaskeyga wey faraxday oo dhunkasho aan koobi karina wajiga weey iga dhacday balse xoga yar marka aay jogtay ayaa waxey i suashay halka aan ka keenay waxaanse tusay kiladeyda oo fashad aay ku duuban tahay waxanse ku iri farxada wajigaaga aan ka arkayo weey iga weyntahay kili xun oo jirkeyga ku jirto
qore Ahmed karshe