KLOPP OO LOO TILMAAMAY BADALKA NABIL FEKIR.

0
195

Kooxda Liverpool ayaa fiirsanaysa talaabadeeda kale kadib markii uu bur-buray heshiiskii ay ku doonaysay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lyon ee Nabil Fekir.
Jurgen Klopp ayaa doonaya in uu sii wado xoojinta kooxdiisa kadib markii uu la soos saxiixday xiddigaha Naby Keita Iyo Fabinho.
Fekir ayaa ku dhawaa in uu xiddig Liverpool ah noqdo iyada oo wax walba la dhameeyay labada kooxood ka heshiiyeen qiimaha xiddiga sidoo kale xiddigu heshiiska shaqsiga ah la gaaray Kooxda.
Si kasta ha ahaatee heshiiska ayuu carqaladeeyay dhaawac jilibka ah oo uu xiddigu qabay taas oo keentay in ay Liverpool ka biyo diiyo in ay lacag badan ka bixiso xiddig uu mustaqbalkiisa fog shaki ku jiro.
Xilli uu xiisihii Fekir ee Liverpool haatan dhamaaday kooxda Liverpool ayaa meelo kale dareenkeeda u jeedin doonta iyada oo doonaysa in ay kooxda keento badalka Philippe Coutinho oo suuqii January 145 milyan ugu biiray Barcelona.
Si la mid ah kooxda Liverpool ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Stoke City oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Xherdan Shaqiri si ay ugu xoojiso weerarka.
Sidoo kale Liverpool ayaa dookh kale u haysata in ay u dhaqaaqdo xiddiga u ciyaara kooxda reer Belguim ee Gent Moses Simon kaas oo 10 milyan lagu helayo.
 
 




READ MORE FROM THE SOURCE: KLOPP OO LOO TILMAAMAY BADALKA NABIL FEKIR.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.