Kooxda Barcelona Oo Ku Sii Dhawaanaysa Saxiixa Xiddiga Willian.

0
298

Kooxda Barcelona ayaa ku sii dhawaanaysa Saxiixa Xiddiga Garabka Weerarka Uga Ciyaara Kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Brazil ee Willin kaas oo ah xiddig uu tababare Ernesto Valverde si shaqsi ah u dalbaday in uu kooxdiisa ku haysto xilli ciyaareedka dambe.
Wararka ayaa xalay sheegayay in ay kooxaha Chelsea iyo Barcelona ka heshiiyeen qiimaha xiddiga kaas oo ku kacaya lacag dhan 75 milyan oo euro.
Wargayska ka soo baxa Spain ee Sport aya haatan sheegaya in ay wakiilada xiddiga reer Brazil u duuleen Barcelona si ay u dhamaystiraan heshiiska.

Labada kooxood ayaa wadahadalo Horumar leh ku jira iyada oo lga yaaba in ay heshiiska si Rasmi ah u dhamaystiraan 48 saac ee soo socota..
Xiddiga oo haatan ku maqan fasaxii koobka adduunka ka dambeeyay aya la sheegayaa in uu si weyn u doonayo in uu ku biiro Barcelona waliba haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda Barcelona.
Willain ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Chelsea kadib markii ay ka hartay tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe iyada oo ka ciyaari doonta tartanka Europe League.
 




READ MORE FROM THE SOURCE: Kooxda Barcelona Oo Ku Sii Dhawaanaysa Saxiixa Xiddiga Willian.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.