KU DHAWAAQISTII 23-KA CIYAARYAHAN EE SACUUDIGA KU MATALAYA KOOBKA ADUUNKA OO MURAN UU KA DHASHAY.

0
303

Xulalka caalamka ee ka qayb galaya koobka aduunka ayaa waxaa ay yihiin kuwo ku  mashquulsan sidii ay ugu dhawaaqi lahaayeen 23ka Ciyaartooy ee ku matalaya Koobka Dunida oo dhawaan ka furmaya Dalka Russia.

inta badan xulalka ayaa soo gudbiyay magacyada xidigahooda hase ahaatee qaar kamid Xulalkan waxaa dood ay ka dhalatay wadada loo maray soo xulitaanka Xidigahooda koobkan caalamiga ah ka qayb galaya.

Xulka sacuudiga ayaa kamid ah xulalka si wayn looga yaabay kadib markii 23ka xidig ee ay magacaabeen dhamaantood aysan waligood ka bixin gudaha dalkaasi.

dad badan ayaa ku dhaliilay maamulka kooxdaasi in wado wanaagsan aan loo marin arintaan ayna caqbad ku noqon karto in xulka uu gaaro meel wanaagsan.

Sacuudiga sanado aad u badan ayuu ka maqnaa Tartankan hase ahaate mudo ka badan 20 sano kadib waa ay usoo baxeen.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.