KU XIGEENKA JOSE MOURINHO OO IS CASILAYA.

0
217

oo ah Tababare ku xigeenka Jouse Mourinho ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in uu is casili doono dhawaan kadib mudo 17 sano oo uu lasoo shaqaynayay Jose Mourinho.

Waxaa uu doonayaa in uu soo gaba gabeeyo waayihiisa Man United balse waxa kaliya ee sugayo ayaa ah ciyaarta Finalka FA Cub.

Sababta keentay in uu go’aankan uu qaato mr. Rui Faraia  ayaa ah in uu doonayo in uu ka qayb galo tartanka loogu jiro Qabashada Xilka Macalinimo ee kooxda Gunners Arsenal maadaama Wenger maanta shaqada ugu dambayso booskaasna uu wali banaan yahay.

Waa saaxiib aad ugu dhawaa jose mourinho waana 42sano jir xirfadiisa ay aad u wanaagsan tahay 17 sano oo ay soo wada shaqaynayeen jouse mourinho ayuu soo gaba gabynayaa.

Waxaa lafili karaa in culays uu soo wajihi doono maamulka Jouse Mourinho maxaa yeelay ninkaan si aad u wayn ayuu gacan yare ugu ahaa waxuuna ka caabin jiray in shaqooyin badan uu qabsado.

Taageereyaasha kooxda ayaa Baraha Bulshada si wayn ugu hadal haya ka tagitaanka shaqada ee Tababare kuxigeenka kooxda Rui Faraia  qaarkood ayaa qaba in aysan kooxda wax saamayn ah ku yeelan doonin habsami u socodkeeda shaqo halka kuwa kalena ay aamin san yihiin in dhibaato wayn kooxda ay soo wajihi karto.

Jouse Mourinho ayaanan wali isna warbaahinta uga warbixin sida uu u arko is casilaada saaxiibkii Rui Faraia .

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.