Kulamo Ka Socda Magaalada Kismaayo, J/hoose

0
62

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in si habsami leh u socdaan kulamada u dhaxeeya dowlad goboleedka Jubbaland iyo sidoo kale xubnaha uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi C/laahi.
Shalay oo Jimco ahayd waxaa kulmay wafdiga aqalka sare iyo sidoo kale, Labada gole ee dowlad goboleedka Jubbbaland, waxaana looga hadlay arrimaha la xiriira tabashada Jubbaland ee dowladda federaalka ah.
Mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa halkaasi ka sheegay waxyaabo badan oo ay ka tabanayaan dowladda dhexe, loona baahan yahay in la xalliyo tabashadaasi.
Guddoomiye Xaashi ayaa la kulmi doona maanta mas’uuliyiin kale oo Jubbaland ah, wuxuuna guddoomiyaha doonayaan in la xalliyo waxay tabaneyso Jubbaland.
Jubbaland ayaa ka mid ahayd dowlad goboleedyadii horey u shaaciyey iney hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News




SOURCE: Kulamo Ka Socda Magaalada Kismaayo, J/hoose

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.