Kulan loogaga hadlayay dib u habeynta dhaqaalaha dalka oo Muqdisho lagu qabtay

0
214

jowhar Somali News Leader
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha iyo hufnaanta Maaliyadda dalka Soomaaliya.
Shirka oo todobaadkii mar la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin deyn cafinta iyo horumarka dhaqaale ee la gaaray, iyada oo Xubnaha Shirkaasi ka qeyb galay ee Xukuumadda Soomaaliya ku bogaadiyeen horumarinta Dhaqaalaha dalka.
“Deyn cafis iyo horumar dhaqaale waa mid dhamaanteen noo wada taalo, waana sababta ay muhiim noogu tahay in aan si wadajir ah u shaqeyno ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay ku dadaaleyso sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka si Soomaaliya looga cafiyo deynta lagu leeyahay,waxaana kobcinta dhaqalaha dalka soo dhaweeyay hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF.
The post Kulan loogaga hadlayay dib u habeynta dhaqaalaha dalka oo Muqdisho lagu qabtay appeared first on Jowhar.




SOURCE: Kulan loogaga hadlayay dib u habeynta dhaqaalaha dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.