Kulankii Xildhibaanada BF oo la xaqiijiyay inuu u baaqday Sabab cajiib ah-Aqriso

0
272

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la shaaciyay baaqashada kulanka xildhibaanada baarlamaanka ay ku yeelan lahaayeen maanta magaalada Muqdisho, kadib qoraal lasoo dhigay Barta Facebook ee Golaha shacabka.Qoraalka ayaa lagu xaqiijiyay inuu baaqday kulanka maanta oo ajandayaasha looga hadlayay ay kamid ahaayeen hadal jeedinta guddoonka baarlamaanka iyo dhageysiga warbixinta guddiga dib u eegista Dastuurka.Arinta cajiibka ah ee la shaaciyay ayaa ah in kulanka uu u baaqday KOORAM la’aan, waxaana dad badan isweydiinayaan sida lagu ogaaday in Kooramka uusan dhameyn, maadaama xildhibaanada aysan xaadirin (Tagin) xarunta golaha shacabka.Qoraal kasoo baxay guddoonka golaha shacabka ayaa u qornaa sidan:-“Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta oo isniin ah loo balansanaa ayaa baaqday xaqiijin guntin (kooram) awgeed”.Xildhibaanada dhaliilsan siyaasadda xukuumadda ayaa horey u sheegay in kulanka maanta oo Isniin ah lagu balansanaa ay kula xisaabtamayaan xukuumadda Soomaaliya, islamarkaana ay mooshino keeni doonaan.Waxaa sii kordhaya xildhibaanada mucaaradsan Xukuumadda kuwaasi oo ka carooday baaqashada kulankii koowaad ee Kalfadhigaan Shanaad, waxaana la ogeyn talaabada ay xildhibaanada qaadi doonaan.Xildhibaano badan ayaa dhaliilsan hanaanka hay’adaha amaanka kaga shaqeeyaan magaalada Muqdisho, waxaana ay doonaan in dad loo ciqaabo amni daradii ugu dambeysay ee ka dhacday magaalada Muqdisho.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Kulankii Xildhibaanada BF oo la xaqiijiyay inuu u baaqday Sabab cajiib ah-Aqriso

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.