Kylian Mbappe Oo Si Dadban Albaabada Ugu Furay Real Madrid – Muxuu Ku Aamusiyay Warbaahinta?

0
104

Paris Saint Germain ayaa xasuuq ba’an u geysatay Guingamp kulan ka tirsan horyaalka faransiiska, waxeyna aheyd ciyaar kusoo dhamaatay 9-0, intii ay ciyaarta socotay da’yarka reer France Kylian Mbappe ayaa dhaliyay saddexley.
Xiddigaan bandhigiisa ciyaartii xalay waxey dhalisay iney saxaafadda mar kale wax ka weydiiyaan arrimaha la xiriirinaya Real Madrid, iyadoo la isku raacsan yahay in Florentino Perez uu xagaaga soo aadan shaqa badan ka qaban doono suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Xiddigaan taageero ba’an ayuu u ahaa Los Blancos isagoo mar soo booqday xerada tababarka kooxda, balse haatan waa xirfadle heysta koobka adduunka sidoo kalana loo doortay da’yarka ugu fiican dunida kubadda cagta.
“Halkaan wanaag ayaan ku dareemayaa hadda, balse qofna ma oga waxa ka dhici kara kubadda cagta” ayuu yiri Mbappe oo la hadlayay saxaafadda kadib guushii Guingamp.
“Waxaan heystaa heshiis gaaraya 2021, mana joogo waqti aan ka fakaro waxyaabo kale”
Si kastaba ha ahaatee, xiddigaan wuxuu muujiyay iney suuragal tahay inuu xirto maaliyadda Real Madrid, in kooxda boqortooyada lagu biirana waa u riyo ciyaartoy badan oo kubadda cagta haatan ka xamaasha.
The post Kylian Mbappe Oo Si Dadban Albaabada Ugu Furay Real Madrid – Muxuu Ku Aamusiyay Warbaahinta? appeared first on Latest football news.




SOURCE: Kylian Mbappe Oo Si Dadban Albaabada Ugu Furay Real Madrid – Muxuu Ku Aamusiyay Warbaahinta?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.