Kylian Mpappe oo shaaciyay hadal ka nixiyay madaxda Real Madrid.

0
573

Tan iyo markii Cristiano Ronaldo si rasmi ah loo ogaaday in uu ku biiray kooxda lagu naaneeso marwada Duqda ee ka dhisan dalka talyaaniga Juventus maamulka kooxda Real Madrid waxaa ay aad ugu mashquulsanaayeen raadinta xidig si dhab ah badal ugu noqon kara booska uu baneeyay weerar yahankii mucjisada ahaa ee reer Portugal.
Waxaa madaxwaynaha kooxda Real Madrid florentino perez uu isha si gaar ah ugu hayay todobaadyadii ugu dambeeyay labada xidig ee u ciyaara kooxda dalka france ka dhisan ee Psg ee kala ah Naymar Jr iyo Kylian Mpappe.
Naymar inta uusan Ronaldo kooxda ka tagin ayuu si cad uga meer meeray in uu yimaado garoonka Berna Bue balse Madaxwayne Perez ayaa waxaa uu hami badan ka qabay in uu soo qaato xidiga wacdaraha ka dhigay koobka aduunka ee xulkiisa meesha ugu wanaagsan geeyay Kylian Mpappe.
Kylian Mpape waxaa uu guulo u horseeday xulkiisa guulaysteyaasha koobka aduunka ah sanadkaan 2018-ka isaga oo si gaar ah wacdaro uga dhigay kulankii xiisaha badnaa ee finalka World Cup ee ay ku hardameen xulka Croatia isaga oo gool saxiixay.
Hadaba markii uu kulankaas soo idlaaday Canugaan yar ayaa waxaa uu si cad u sheegay in uusan meelna uga socon kooxdiisa PSG islamarkaanka xirfadiisa kubadda haatan ay biloow tahay.
“waxaan sii joogi doonaa kooxdayda Psg si aan ula sii wado Dariiqayga wanaagsan.
TOPSHOT – Paris Saint-Germain’s French forward Kylian Mbappé celebrates after unseen teammate Uruguayan forward Edinson Cavani scored his team’s third goal during the French League Cup final football match between Monaco (ASM) and Paris Saint-Germain (PSG) at The Matmut Atlantique Stadium in Bordeaux, southwestern France on March 31, 2018. / AFP PHOTO / FRANCK FIFE (Photo credit should read FRANCK FIFE/AFP/Getty Images)
“waxa aan ku jiraa biloowga xirfadayda” ayuu hadalkiisa kusoo koobay kylian Mpappe oo aad moodo in uu yahay libaax leerta jiifa.
Hadalkaan uma wanaagsana maamulka kooxda Real maxaa yeelay waxaa ay si gaar ah u doonayeen in xidigan ay soo xero geliyaan waana uu ku gacan sayray.
Macadda xidig kale oo haatan diyaar u ah oo ay u soo qaadan karto kooxdan booskii Cristiano Ronaldo.
Waxaa suuro gal ah xili ciyaareedka dhawaan bilaaban doono in Naadigan uu dhexda ka galo jahwareer lamid ah kii qabsaday bilaawgii xili ciyaareedkii hore.
Dadka u dhuun duleela arimaha Ciyaaraha ayaa Aaminsan yihiin in kooxda oo waysay macalinkoodii hore Zidane iyo weerar yahankoodii balaayada ahaa Ronaldo aysan dhaqso uga soo kabsan Karin.
 
 
 
 
 
 




READ MORE FROM THE SOURCE: Kylian Mpappe oo shaaciyay hadal ka nixiyay madaxda Real Madrid.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.