LA OGAADAY LIVERPOOL OO WADA HADALO LA FURTAY GOOL HAYE ALISSON.

0
225

kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo toos ah la furtay Gool hayaha Reer Barazil ee Alisson.

Maamulka kooxda Reds ayaa ka Faa’idaystay kulankii Xulka Barzail ay Ciyaarta Saaxiibtinomo kula qaateen Anfield Xulka Coroatia kaa oo kusoo idlaaday 2-0 oo ay ku awood sheegatay Barazil.

Alisson ayaa lagu soo waramayaa in lagu qanciyay in uu yimaado Liverpool isagoona qayb ka ah Gool hayeyaasha liiska ugu horeeya kaga jira Shabaq ilaaliyeyaasha uu Baadi Goobayo Jurgen Klopp.

lama oga waxa uu Dalabkan ka yiri Alisson balse waxaa muuqan karta in ay suuro tahay in uu kasoo wareego kooxda Roma oo uu haatan u ciyaaro.

Liverpool waxaa ay si toos ah ugu gudo jirtaa ka kaluumaysiga suuqa kala iibsiga Ciyaartooyda

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.