Labada Musharax ee u gudbay wareega ugu dambeeya oo la shaaciyay

0
204

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaatay tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada baarlamaanka Puntland, wareegii labaad ee doorashada.Waxaa dorashada ka haray  musharaxii seddexaad oo ahaa Faarax Cali shire, waxaana uu helay 7 cod.Musharax Saciid Cabdullaahi Deni ayaa heysta codad gaaraya 29 cod iyo Musharax Generaal Asad Cismaan Cabdulaahi oo heysta 30 cod ayaa usoo gudbaya wareega ugu dambeeya ee doorashada.Guddiga doorashada madaxweyna ayaana ku dhawaaqay natiijada, waxaana wareega ugu dambeeya uu noqon doonaa cod hal dheeri ah.Waxaa laga cod badiyay musharax Saciid Deni oo wareegii labaad heystay codadka ugu badan oo gaarayay 20 cod, balse hadda 9 cod ayuu ku darsaday, halka musharax Generaal Asad uu helay 13 cod oo dheeri ah, maadaama wareega labaad uu heystay 17 cod.La soco doorashada PuntlandCaasimada Online Xafiska Puntland Caasimada@Live.com 




SOURCE: Labada Musharax ee u gudbay wareega ugu dambeeya oo la shaaciyay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.