Lan Wright”Waan ku kalsoonahay in Arsenal ay ka mid noqonayso 4-ta sare xiliciyaareed kaan”

0
64

Halyeeygii hore ee Arsenal ee Ian Wright ayaa sheegay in kooxdiisii hore ay ka mid noqonayso 4-ta koox ee ugu saraysa Premier League xiliciyaareed kaan.
Arsenal ayaa ku fashilantay inay kamid noqoto 4-ta koox ee ugu saraysa Premier League labadii xiliciyaareed ee la soo dhaafay.
Isbadal wayn ayaa lagu sameeyay Arsenal xiliciyaareed kaan, kooxda ayaa keensatay tababare cusub iyo 5-laacib oo iyaguna ku cusub kooxda.
Ian Wright oo ka hadlay xiliciyaareedka Arsenal ayaa yiri:
“Kalsooni ayaan ku qabaa in Arsenal ay kamid noqonayso 4-ta koox ee ugu sareeya, waxaan rumaysanahay in awooda weerarka ee Gunners ay dhibaato badan ku noqon doonto kooxo badan”.

“Waxaa wal wal laga qabaa dhanka daafaca, waxaan daawan doonaa kulanka Manchester City si aan u qiimeeyo qaab ciyaareedkooda”.




READ MORE FROM THE SOURCE: Lan Wright”Waan ku kalsoonahay in Arsenal ay ka mid noqonayso 4-ta sare xiliciyaareed kaan”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.