LEICETER CITY OO SI WAYN U RAADINAYSA XIDIG KA TIRSAN WEST BROMWICH ALBION.

0
151

Leiceter City ayaa Dadaal aad u xoogan waxaa ay ugu jirtaa sidii ay heshiis uga saxiixan lahayd Xudiga Jonny Evans oo ka tirsan kooxda West Bromwich Albion.

Xidigan ayaa waxaa lagu jabin karaa heshiiska uu haatan kooxdiisa kula joogo qiimo lacageed oo gaaraya 3 Milyan iyadoona sidoo kale ay aad u doon doonayaan kooxo kale oo ka dhisan Premier Leage balse Leiceter City ayaa waxaa ay umuuqataa in ay aad u danaynayso in Daaqada ay kala baxdo saxiixa Xidigan.

 

Wakiilka xidiga Jonny Evans oo lagu magacaabo Colin Murdock ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in sare u kac lagu sameen karo Qiimaha Xidigan lagu doonayo.

Waxaa wada hadalo aad u qoto dheer uu la leeyahay wakiilkan masuuliyiinta maamusha garoonka King Power isagoo ka dhaadhicinaya in Daafacan uu yahay mid aad u adag kuna haboon in ay ka dhigan mid kamid ah xidigaha saxiixooda uu aadka qaaliga u yahay ee ay qaadanayaan xili ciyaareedkan.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.