Waa xilli galab liiq ah waana xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir waxaa geed xaafada ku yaal fadhiyey dhowr hablood oo ay ku jirto Falis oo hablaha xaafada ka mid ah waxaana Falis goobta kula wehlisey Yaasmiin,
oo ay habro wadaag ahaayeen meelna ku soo wada koreen balse inta badan xaafada dadka degan sidaas uma aqoon oo waxay moodaan in walaalo wada dhashay oo habar iyo odoy iskala dhashay ah maadaama ay xaafada xilli dhow soo degeen in cabaar ah markii goobtii lagu sheekeeyey ayaa waxaa soo maray labo wiil oo wada socday markiiba Falis ayay u yeereen iyadana waa ay u istaagtay oo xagooda aaday kadibna waa ay is wada raaceen hablihii goobta ay kaga tagtay oo walaasheed ku jirtay ayaa is wada fiiriyey oo midba mida kale ku tiri yey yihiin kuwaan! Yaase baray Falis!
Iyadoo sidii loo wada yaaban yahay ayay Falis soo laabatay markii ay aragtay in iyada la wada fiirinayo ayay tiri
Falis:
Haye maxaa jira hadana ma anigaa laygu mashquulaa
Yaasmiin:
Wax kale ma jiraan walaashay balse waxaan is weydiinay dhalintaan xaafada ku cusub hadana adiga ku garanayo
Falis:
Ma intaas oo kaliya ayaad ku mashquusheen walaahi caadi ma tihiin wiilashaan waa sidaas sheegteen xaafada waa ku cusub yihiin waliba aan idiin raaciyee waxa ay soo dageen guriga reer Bunow sidaas u ogaado tii uu damac ka galay halkaas waad ka heli kartaan waliba waa Doob labadaba
Yaasmiin:
Micnaha guriga naga soo horjeeda
Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 1aad Somaliinfo.com
Falis:
Haa waa laf ahaantiisa
Xaawo Kiin:
Laakin magacyadooda noo soo baas hee
Falis:
Taa shaqo guri u qaata Qadar ayaa soo socda walaashay naga soo kaxee meesha
Markiiba Falis iyo walaasheed Yaaasmiin halkii waa ka dhaqaaqeen ileyn Qadar oo walaalo yihiin ayay aad ugu baqaan oo aan marnaba u ogolaaneynin in meel ka shisheysa gurigooda ay fadhiistaan
Qadar waxa ay mataano yihiin Falis hadana waaa wiilka ugu weyn reerka waana wiil si adag u koontaroolo hablaha ay walaalaha yihiin haba ugu darnaadee Falis oo uu arkay in ay tahay gabar ka yara fudud Yaasmiin waana sababta ay xilli kasta isaga iyo Falis ay isugu dhacaan
Wiilasha Falis u istaagtay laf ahaanteeda aqoon sidaa u sidii buuran uma laheyn waana wiilal xaafada maalintii shalay soo degeen oo ay is barteen Falis oo aheyd qofii ugu horeysay ee ay xaafada ka bartaan isla markaana ku saacdiday gabar guriga ka soo nadiifisa. Wiilasha waxa ay kala ahaayeen Mursal iyo Aadam oo labada ka yimid gobalada waqooyi kadib markii hey’adii ay u shaqeynaayeen Muqdishu u soo wareejisay
Falis waxaa aad u jeclaa aabaheed WarsameNuur oo ganacsade ka ahaa magaalada Muqdishu isla markaana hanti muuqda ku lahaa suuqyo badan oo gudaha magaalada Muqdishu iyo magaalada Nayroobi ee dalka Kenya Hooyadeed Maryan Geele waa ay ku raacsaneyd in Qadar uu hablaha la socdo si qaas ah waliba Falis oo iyada aaminsaneyd in ay ka fududahay walaasheed Yaasmiin oo ay habro wadaag ahaayeen
Falis waqtideega ayay ku jirtayee waxa ay indhaha la qaaday wiil yar oo xaafadooda soo gala oo Yaasiin la yiraahdo oo xaafad kale ka yimaado
Falis wax kasta o nolosheeda ku soo kordha waa ay u shegi jirtay walaasheed Yaasmiin markii ay xaafada yimaadeen ayaa Yaasmiin hadalkii furtay oo ku tiri
Yaasmiin:
Haye macallimada yey kuu ahaayeen wiilashaan mise Yaasiin kii aad maalmahaan wadwaday ayaad ku badashay
Falis:
MaYaasiinaa cid lala dhigo oo lagu badali karta ay jirtaa dhuuxow degee
Yaasmiin:
Haye kuwaan yee noo ahaayeen
Falis:
Waa Mursal iyo Aadam
Yaasmiin:
Hadda magacyadooda kuma weydiin yey kuu ahaayeen
Falis:
Waa wiilal xaafada ku cusub oo shalay soo degay guriga reer Bunow
Yaasmiin:
Oo adigana yaa ku baray
Falis:
Yaa I bari lahaa anigaa afka la galoo ku iri ma gurigaan ayaad soo degteyn sidii ayaana isku baranay oo xataa aann u keenay gabar u shaqeysa oo raashiinka u karisa shalayna guriga ayay ka soo hagaajisay maxaa kale
Yaasmiin:
Alla maxaan kaa yaabay Falisey yuusan Qadar kugu arag walaahi inuu ku jejebinayo
Falis:
Horta kaalay aniga Qadar maxaa la iga cabsisiiyaa miyaanan aheyn gabar weyn oo danteeda taqaan nolosheeda iyada leh oo go’aamin karta
Yaasmiin:
Hadalkaas maala yacniga inta aad isk deyso lafahaaga ka ilaalso Qadar
Falis:
Illaahay ha soo aruuriyo walee uusan biyo xagayga ka cabi doonin.