Liiska Ciyaartoyda Arsenal Ee Kulanka Cardiff City Oo La Shaaciyay, Xaalada Musiibada Dhaawacyada Gunners Iyo Xidigaha Uu Unai Emery Ku Shaqayn Doono Kulanka Cardiff.

0
62

Kooxda Arsenal ayaa dhexda kaga jirta dhaawacyo musiibo wayn kooxdeeda ku ah waxaana la shaaciyay liiska ciyaartoyda uu Unai Emery u diyaarsaday kulanka Premier league ee ay Gunners la ciyaari doonto kooxda heerka labaad in ay u laabato halista ugu jirta ee Cardiff City.
Arsenal ayaa dagaal ugu jirta sidii ay kaalinta afraad ee Premier League ugu dhamaysan lahayd xili ciyaareedkan balse waxay tartan xoogan kala kulmaysaa kooxaha Chelsea iyo Manchester United balse dhaawacyada soo gaadhay xidigo badan oo Gunners ah ayaa madax anuun ku abuuray Unai Emery.

Arsenal ayaan inta xili ciyaareedkan ka hadhsan heli doonin adeegii labada difaac ee Hector Bellerin iyo Rob Holding kuwaas oo inta xili ciyaareedkan ka hadhsan ku qaadan doona miiska daawaynta Emirates Stadium laakiin kulankii FA Cupka ee Man United ayay Arsenal laba difaac oo kale ku wayday.
Sokratis Papastathopoulos ayaa muddo bil ah ku maqnaan doona dhaawicii canqowga ka soo gaadhay kulankii FA Cupka ee Manchester United wuxuuna sii xumeeyay xaaladii dhaawacyada ee ay markii horeba Gunners la dhibtoonaysay.
Laurent Koscielny oo isna uu dhaawac daanka ahi soo gaadhay isla kulankii FA Cupka ee Manchester United ayaa helay war fiican kaas oo ah in aanu wax jabniin ahi ka soo gaadhin daankii uu Romelu Lukaku kaga joogsaday, laakiin waxaa la filayaa in uu seegayo kulanka Cardiff City balse muddada uu maqnaanyo ayaa ah mid kooban inkasta oo maalin kasta xaaladiisa la qiimeeyo.
Danny Welbeck ayaa wali la sii maqnaan doona dhaawicii canqowga ka soo gaadhay ee uu kulamada badan ku seegay laakiin waxaa tababarka ku soo laabtay Henrikh Mkhitaryan  kaas oo aan la filayn in uu kulanka Cardiff City uu ku lug lahaan karo.
Liiska Ciyaartoyda Arsenal Ee Kulanka Cardiff City: Leno, Cech, Martinez, Jenkinson, Lichtsteiner, Mustafi, Mavropanos, Kolasinac, Monreal, Maitland-Niles, Xhaka, Elneny, Torreira, Guendouzi, Ramsey, Iwobi, Ozil, Lacazette, Aubameyang, Nketiah.
The post Liiska Ciyaartoyda Arsenal Ee Kulanka Cardiff City Oo La Shaaciyay, Xaalada Musiibada Dhaawacyada Gunners Iyo Xidigaha Uu Unai Emery Ku Shaqayn Doono Kulanka Cardiff. appeared first on Latest football news.




SOURCE: Liiska Ciyaartoyda Arsenal Ee Kulanka Cardiff City Oo La Shaaciyay, Xaalada Musiibada Dhaawacyada Gunners Iyo Xidigaha Uu Unai Emery Ku Shaqayn Doono Kulanka Cardiff.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.