LIVERPOOL OO SAMAYSAY SAXIIXEEDII UGU HOREEYAY XAGAAGAN.

0
171

War dag dag ah oo haatan soo baxay ayaa waxaa uu xaqiijinayaa in kooxda Liverpool ay samaysay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda xili ciyaareedkan.

Waxaa warbaahinta la hadlay Tababaraha kooxda Basiktas Senol Gunes kaa oo xaqiijiyay in Xidigooda Reer Brazil ee uu heshiis rasmi ah la galay Reds.

Xidigan ayaa ilaa laba xili ciyaareed waxaa uu ahaa mid si amaah ah uga maqan Basiktas balse macalin ayaa haatan si dhab ah u fahansan in uu heshiis cusub u saxiixayo Liverpool.

“Taslica waxaa waqtigiisa uu ku ekaa Xagaagan oo xili ciyaareedka dambe nala joogi doono waayo waxa uu haatanba heshiis la gaaray koox kale waxaa xifaaltan adag uu la gali doonaa Cenk Tusun oo aan ka iibinay Naadiga Everton.

Ma jirto ilaa haatan wax xaqiijin ah oo arinkaan la xiriira oo ka yimid dhinaca kooxda Liverpool.

Balse waxaa lawada og yahay in Jurgen Klopp damacsan yahay in xili ciyaareedka soo socda uu Liverpool ku hogaamiyo meel aad u wanaagsan.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.