Loolan ka jira maamulka gobolka Banaadir iyo Inj. YARIISOW oo la wiiqay

0
313

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay xubnaha sare ee maamulka, taasi oo shaqadii gobolka habsaamisay.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in khilaafka uu u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa sida; Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulah) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasada, Xuseein Maxamed Nuur  Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Maamulka & Maaliyada iyo Cumar Abdirisaak Xuseen, Xoghayaha Guud ee Ggobolka Banaadir, iyadoo arrinta ugu weyn ee la isku haayo ka mid tahay awoodaha maamulka.
Yariisow ayaa la sheegay in ku-xigeenadiisa aysan shaqada uga dambeyn, una arkaan qof la siman ama ayaga ay ka sareeyaan, ayaga oo isku haleynaya awood isaga ka sareysa, sida aan xogta ku heleyno.
Dhammaan ku xigeenada Yariisow ayaa ku kala xiran madaaxtooyada ama xafiiska raiisul wasaaraha, taasi oo siisay awood dheeri ah, oo ay ku qaadaan tallaabooyin isaga uusan ka war-hayn. Qaar ka mid ah xubnaha gobolka ayaa Yariisow u arka inuusanba gobolka maamulin oo uu magac u yaal yahay.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in wada shaqeyn la’aanta ka dhaxeysa xubnaha Maamulka Gobolka Banaadir laga cabsi qabo inay keynto is bedel degdeg ah, waxaana xubnaha Maamulka ee is haya uu mid walba uu isku halaynayaa oo uu si gaar ah ugu xiran yahay Xafiisyada Madaxda sare ee dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in isbeddel kasta ay u badan tahay inuu ku baxo Yariisow, maadaama uu ugu awood yaryahay xubnaha maamulka gobolka, ayada oo ku xigeenadiisa ay ku xiran yihiin madaxda sare.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 




READ MORE FROM THE SOURCE: Loolan ka jira maamulka gobolka Banaadir iyo Inj. YARIISOW oo la wiiqay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.