Loolanka ka dhex bilowday Ethiopian iyo TURKISH ee magaalada MUQDISHO

0
294

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa 40 sano kadib dib u bilowday duulimaad toos ah oo ay ku tagi doonto Muqdisho iyo Addis Ababa, arintan ayaa timid kadib heshiis dhexmaray labada dowladood.Maamulka Diyaaradda ayaa qiimeyn ku waday Soomaaliya waxii ka dambeeyay markii dib la doortay dowladda Madaxweyne Farmaajo oo xiriir wanaagsan la yeelatay dowladda ra’iisul wasaare Abby Axmed uu hogaamiyo.40 Sano kadib bilowga Duulimaadka Ethiopian Airlines ee Muqdisho waxaa Faa’iido ka helaya labada Shacab, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo aad ugu socdaala Dalalka Bariga Qaarada Africa.Aad ayay u yar yihiin socdaalka dadka Ethiopian-ka ah ee Muqdisho, laakiin waxaa badan socdaalka Soomaalida ee Addis Ababa iyo dadka Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya magaalada Addis Ababa.Waxay ka dhigan tahay duulimaadka Ethiopian Airlines dhaqan galka heshiisyadii ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, waxay sidoo kale ka dhigan tahay fursad kale oo ay heleen shacabka Soomaaliyeed oo ay ku adkeyd gelitaanka Ethiopia.Ethiopian Airlines ayaa suuga kaga soo hormartay shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways, waxayna fursad kale u tahay shirkada Ethiopian Airlines oo macaamiil badan kasii abuuran karta Shacabka Soomaaliyeed.Ethiopian Airlines ayaa heli karta fursad kale oo kula dagaalami karto diyaaradda Turkish Airline, maadaama ay tahay diyaarad caalami ah oo tagi karta wadamo badan oo Soomaalida ay u socdaalaan.Xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Ethiopia, Somalia iyo Eritrea ayaa abuuri kara fursad kale oo shacabka dalalkaasi ay u helaan inay si xor ah isugu kala gudbaan ganacsi ahaan, taasi oo dhaqaalaha wax badan ka badaleyso.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Loolanka ka dhex bilowday Ethiopian iyo TURKISH ee magaalada MUQDISHO

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.