MA ANAA DILAY NINKEYGA QEYBTA 3AAD

0
1155

QEYBTA SADAXAAD EE SHEKADII MA ANAA DILAY NINKEYGA

WAXAN GUDO GUDO GALAY IN AAN SOO SAARO NUMBERKA ISOO WACAY WAAN TUSAY

Farah waqti cabaar qaatay ayuu eegaayay numberkii i soo wacay balse waxaan markale sualay qofka uu yahay numberkan isoo wacay

waxa jawaab ah imuusan siin halka aan aan ka suagayay in igu dhaho waan aqaan ama ma aqaan

amusnaantaas waxey nafteyda ku dhalisay shaki aad u weyn waayo farah muusan aheyn shaqsi aan ka maleysan karo in maanta naag kale igu wado

waxuu allbabka ka dagay asagoon hadal tooni igu oran aniga waxaa igu soo gudbonaday wal wal iyo walbahaar waxaanse kaligey meel fadhiistay anigoo isla hadlayo

kadib waxaa dib ii soo wacday numberkii kala fogaanshaha nagu dhaliyay aniga iyo ninkeyga kamaanan qaban markii hore hadana mar l baad ayey isoo wacday

waxanse is iri ka qabo oo dhageyso waxa aay shegeyso

anigoo wadnaha i qaracmayo ayaan ka qabtay salan ka dib waxan ku iri maad numberkeyga i dhaftid oo maxaa kugu diray waxeyse igu tiri

abaayo anigu kuma dhibayo balse waxaa tahay qof lila qabo waxaase jeclahay in aan waqti kasta kula shekeysto

anigu waxan ku irii heedhe hadalkaaga iyo barashadaada ma rabe fara iga qaad,caay iyo wax aan la kala garaneyn intaan u dhoobdhoobay ayaan talefonka ku jaray

kadib waxan maskaxdeyda ku soo laablaabtay hadaladii aay igu tiri qofta iyo ninkeyga suasha aan weydiyay sida uu jawaabta igu waayay

igu danbeyn waxaan niyadayda ka goansaday in aan waco ninkeyga si aan u weydiyo waxa uu iga aamuso

waxaan ku iri ninkeyga maxaa dhacay suasha aan ku weydiyay iiga jawaabi weyday oo aad iga tagtay

waxuu igu yiri qaali suasha aad i weydisay jawaab meysan laheyn talefonkana wuu igu jaray

la soco qeybta 4RAAD

qore Ahmed Karshe

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.