MA SUURO GALBAA IN MARKALE AY MIDOOBAAN PEP GUARDIOLA IYO MESSI.

0
326

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa la midoobi kara xiddigii uu horay ugu soo maamulay kooxda Barcelona ee Lionel Messi sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain xilli Tababarahan reer Spain u iman doono dalab uu mar kale kula midoobi karo xiddiga adduunka ugu fiican shanta jeer ee xulka qaranka Argentina.
Wargayska aka soo baxa Catalonia ee Sport ayaa saaka sheegaya in tababaraha reer Spain shaqada ka badali karo tababaraha xulka qaranka Argentina Jorge Sampaoli kadib markii xulka Argentina si niyad jab leh uga haray koobka adduunka oo uu ku macaslaameeyay wareega 16-ka markaas oo u guuladro 4/3 ah kala kulmay xulka qaranka France.
Pep Guardiola ayaa horay u sheegay niyadiisa ah in uu tababare u noqodo xulka qaranka Argentina taas oo ah mid uu wargayska Sport dib u soo xusay xilli xiriirka kubada cagta Argentina isku diyaarinayaan in ay dalab ka soo gudbiyaan tababaraha khabiirka ah.
Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa la midoobi kara xiddigii uu horay ugu soo maamulay kooxda Barcelona ee Lionel Messi sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain xilli Tababarahan reer Spain u iman doono dalab uu mar kale kula midoobi karo xiddiga adduunka ugu fiican shanta jeer ee xulka qaranka Argentina.

Jorge Sampaoli ayaa la filayaa in uu isaga tago shaqda xulka qaranka Argentina kadib markii uu khilaaf weyn soo kala dhex galay xiddigaha iyo tababaraha iyo waliba maamulka xiriirka kubada cagta taas oo keentay in xiddigaha Argentina soo xushaan shaxda kulamadii ka dambeeyay kulankii ay guuldarada kala kulmeen Croatia.
Hadii uu Pep Guardiola qabto shaqada xulka qaranka Argentina waxa uu la midkoobi doonaa xiddigo uu horay u soo tababaray  iyo qaar uu Haatanba tababaro oo ay ka mid yihiin Lionel Messi oo uu horay 4 sano u soo tababaray iyo xiddigaha Nicolás Otamendi Iyo Sergio Aguero oo uu haatan tababare ugu yahay Man City.
 




READ MORE FROM THE SOURCE: MA SUURO GALBAA IN MARKALE AY MIDOOBAAN PEP GUARDIOLA IYO MESSI.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.