Maamul goboleedkii labaad oo xiriirka u jaray dowladda

0
440

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu hakiyay wada shaqeyntii kala dhexeeysay Dowladda Soomaaliya.Galmudug waxaa ay joojisay xiriirkii wada shaqeyneyd ee dowladda federaalka inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo arrimaha; dhameystirka dastuurka, doorashooyinka federaalka iyo amniga qaranka.Sidoo kale warsaxaafadeed oo aad u dheeraa  ayaa Galmudug waxaa ay beesha caalamka ka dalbatay inay si dhow ula socdaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo in aysan aqoonsan sharciyada ay waddo xukuumadda Soomaaliya iyo in ay xoojiyaan la xisaabtanka dowladda federaalka.Arintan ayaa ku soo aadaysa xilli uu aad u xun yihiin xiriirka u dhexeeya dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul gobaleedyada qaar.Dhowaan ayaa sidoo kale maamulka Puntland waxa uu sheegay inuu xiriirka u jaray dowladda federaalka.Halkan ka Akhriso  




SOURCE: Maamul goboleedkii labaad oo xiriirka u jaray dowladda

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.