MAAMULKA ARSENAL OO SOO DIRAY FARIIN AY KU FARXEEN TAAGEEREYAASHA KOOXDA.

0
189

Maamulka kooxda Arsenal ayaa shaaciyay Hadal ay ku farxeen Jamaahiirta kooxda ee aadka u dul qaadka badan kadib ku dhawaaqi taankii Macalinka cusub ee Gunners Unai Emery.

Ivan Gazidis oo ah Madaxa Fulinta kooxda Arsenal ayaa waxaa uu shaaciyay in ay Maamulka kooxda Diyaar u yihiin in ay la garab istaagaan Macalinka cusub Taageero Maaliyadeed oo dheeri ah hadii lagama maar maan ay noqoto.

 

Sida la wada ogsoon yahay kooxda Arsenal waxaa aad u xadidan Qiimaha lacageed ee mar waliba ay ku maal geliso Suuqyada waxaana Suuro gal noqon karta in Unai Emery ay caqabadiisa ugu horaysa noqoto in uu heli waayo Dhaqaale ku filan oo uu suuqa ku galo.

Ivan Gazidis oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”Cidkaasta oo doonaysa in ay aragto Xisaabteena,ayaa samayn karta taas,Dhamaan Dhaqaalah aynu hayno Wuu Heli karaa Macalinka, Balse Qorshahaan waa mid sii socondoona.

Arsenal waxaa ay kamid tahay kooxaha waa wayn ee ka ciyaara Horyaalka Premier Leage waxaana kooxdan Dhobaatooyin badan ay wajahaysay in ka badan 15 sano oo aysan qaadin koobab waa wayn aysana soo iibsin ciyaar yahano waa wayn oo kooxda xaaladeeda wax ka badali kara.

Unai Emery waxaa sugaysa Howl aad u adag oo u baahan dhabar adeeg uu ku dheehan yahay Dulqaad.

Waxaa Hadalkiisii ugu horeeyay ee uu warbaahinta siiyay markii lagu dhawaaqay in uu yahay macalinka kooxda Arsenal uu sheegay in kooxda ay u baahan tahay in laga badalo wax yaabo yar yar sida qaabka farsamada iyo dhanka ciyaartooyda taa oo uu ula jeeday in kooxda aad u diyaarsan tahay.

Waxaa Dubadiiba uu sii inshaaranayaa Xidigo badan oo uu is leeyahay hadii aad keento Fly Emirates waxay door muhiim ah ka qaadan karaan isbadalo aad doonayso inaad kusoo kordhiso kooxda.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.