Maamulka B/weyne: Canshuuraha La Qaado Adeegyada Aas-aasiga Ah Ku Qabannaa

0
286

Maamulka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in canshuuraha ay ka qaadaan magaaladaasi ay dib ugu celiyaan bulshada ku dhaqan magaaladaasi.
Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Cismaan Qallaafow ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu sheegay in shacabka ay hadda la socdaan waxyaabaha uu maamulka u qabto.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay qabteen welina ay wadaan ayuu sheegay iney tahay dib u dhiska magaalada sida waddooyinka.
Dhanka kale, guddoomiyaha Baladweyne ayaa dhanka kale sheegay in shaqaalaha maamulkooda iyo ciidamada ay qaataan mushaaraadka balse madaxda magaalada weli aanay wax lacag ah qaadan.
Halkaan hoose ka dhageyso:


Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Maamulka B/weyne: Canshuuraha La Qaado Adeegyada Aas-aasiga Ah Ku Qabannaa

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.