Maamulka Balcad: “Weerar ayaa caawa nagu socda, maxaan ku samaynay Farmaajo iyo Kheyre?”

0
36

Balcad (Caasimada Online) – Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay caawa weerar culus kusoo qaadeen xerada ciidamada xoogga dalka ee Hiilweyne.
Maamulka waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in xerada oo dhan ay gubaneyso islamarkaana la maqlayo rasaas xooggan oo ka dhaceysa gudaha, waxaana ay dowladda ku eedeeyeen inay dayacday.
“Ayada oo daadad ay ka jireen ayaa Balcad waxaa lagu hayaa weerar. Xerada Hiilweyne waa ay gubaneysaa, rasaasna waa la maqlayaa. Goorma ayay dowladdeena garowsan doontaa rafaadkeena. Maxaan ku samaynay Farmaajo iyo Kheyre” aaa lagu yiri qoraal mamaulka uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.
Madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa ayaa marar badan lagu eedeeyey inay dayaceen gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Balcad iyo deegaanada ku dhow, oo Shabaabka ay aad ugu xooggan yihiin.
Wararka caawa laga helayo Balcad ayaa sheegaya in Shabaabka gudaha u galay xerada Hiilweyne ay gubayaan gawaaridii militariga iyo teendhooyinkii ciidanka. Weli lama hayo khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarka.
Xoogaga Al Shabaab oo hubka noocyadiisa kala duwan ku hubeysan ayaa dhawr jiho ka weeraray Xerada Hiilweyne, oo saldhig ciidan u ah Ciidanka Xoogga Dalka.
Halka uu dagaalka ka socdo iyo deegaanada ka fog fogba ayaa waxaa maqlayaa hubka ay labada dhinac dagaalka isu adeegsanayaan. Waxaana soo baxaya warar sheegayay in halkaasi laga maqlay qaraxyo xoogan.




SOURCE: Maamulka Balcad: “Weerar ayaa caawa nagu socda, maxaan ku samaynay Farmaajo iyo Kheyre?”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.