Maamulka G/Banaadir iyo saraakiisha amniga DF oo ka shiray weerarki SYL

0
25

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirka amniga Caasimadda ayaa lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir iyadoo wax la iska weydiiyay Weerarkii Habeen ka hor lagu qaaday Hotellka SYL ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo shirka gudoominayay ayaa tilmaamay in la iskula xisaabtami doono sugida amniga islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo qorshaha nabadgalyda Caasimadda.
Guddoomiyaha oo ka hadlayay shirka amniga Caasimadda ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo qorshaha nabad-gelyda Caasimadda.
Shirka oo ay ka qayb galeen Saraakiisha u xil-saaran amniga Caasimadda ayaa lagu soo qaaday weerarkii ay Argagixisadu ka geysteen dhowaan Hotel SYL kaasoo ku yaal meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo.
Weerarkii Habeen ka hor lagu qaaday Hotellka SYL ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-Shabaab, iyaga oo sheegay inay ku dileen Saraakiil ka tirsan Dowladda.





SOURCE: Maamulka G/Banaadir iyo saraakiisha amniga DF oo ka shiray weerarki SYL

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.