Maamulka Gobolka Banaadir oo meel mariyay Qorshaha iyo miisaaniyadda sanadka 2020 ee Muqdisho

0
154

Kulan maanta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha iyo Miisaaniyadda sanadka 2020, iyadoo kulankaaasi qayb ka ahaayeen Guddoomiye Xigeenada Gobolka, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimayaasha guud, Agaasime Waaxyada iyo la taliyaal dhowr ah, waxaana looga dooday Qorshaha horumarinta Gobolka iyo Miisaaniyadda sanadka soo socda.

Qorshaha uu Maamulka Gobolka soo bandhigay maanta ee looga dooday shirka wadatashiga ayaa waxa uu ka koobanyahay 6 tiir oo waa wayn oo kala ah

  1. Amniga, Siyaasadda iyo Cadaaladda2. Horumarinta adeegyada Bulshada3. Dib u dhiska4. Horumarinta Dhaqaalaha5. Dib u habaynta Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar6. Maamul wanaagga

Sidoo kale waxa iyana shirka maanta looga dooday Miisaaniyadda sanadka 2020 ee Dowladda Hoose iyadoo dood dheer ka dib lagu ansixiyay Miisaaniyadda oo sandkaan noqonayso $32,977,123 oo ah ku talagalka sanadkaa. Miisaaniyadaan ayaa aadi dootno qaybaha Mushaaraadka shaqaalaha, dib u dhiska magaalad, ADeegyada bulshada, iibka Agabka iyo kharaashaadka la xiriira maamulka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay xeritaanka shrika ayaa sheegay in xilligaani ay muhiim tahay in Maamulka Gobolka la yimaado qorshe cad ee uu ku hagaayo horumarka magaalada Muqdisho waxa uuna balanqaaday in loo istaagi doono fulinta halbeegyada horumarineed ee loo dajiyay sanadka cusub in la fuliyo.






SOURCE: Maamulka Gobolka Banaadir oo meel mariyay Qorshaha iyo miisaaniyadda sanadka 2020 ee Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.