Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Digniin U Diray Ganacsatada Alshabaab Lacagaha Siiya

0
266

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa digniin u jeediyay ganacsato iyo gaadiidley uu maamulka sheegay inay lacago siiyaan Al-shabaab, warkaan waxaa sheegay guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Cabdiraxiim Maxmuud.
Waxaa uu sheegay Cabdiraxmaan in baryihii dambe ay wadeen howlgallo iyo baaritaanno ku aadan sugidda amniga gobolka islamarkaasna ay ku ogaadeen baaritaannada ay sameeyeen in ganacsatada iyo gaadiidleyda ay Al-shabaab siiyaan lacago.
Mar uu arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri “Waxaa jira baryahaan gaadiidley dhabaha waqooyi ku baxa oo Shabaab inta soo wacay lacag u xooraya, Shabaab waa cadowga umadda Soomaaliyeed gaar ahaan waa cadowga gobolka Hiiraan Cid kasta oo ka mid ah shacabka Hiiraan oo hadana doonaya inay kordhiyaan awoodaa Alshabaab dhaqaalana u diraya maka aqbaleyno”.
Cabdiraxmaan Maxamuud oo ah ku xigeenka amniga gobolka Hiiraan ayaa baaq digniin ah u diray ganacsatada iyo gaadiidleyda kuwaasi oo uu sheegay in Alshabaab ay lacago siiyaan isaga oo tilmaamay in arrintaasi aysan aqbali doonin.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Digniin U Diray Ganacsatada Alshabaab Lacagaha Siiya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.