Maamulka Hiiraan Oo Nabad Ugu Baaqay Beello Isku Haya Gobolkaasi

0
291

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa nabad ugu baaqay beello walaalo ah oo dhowaan isku qabtay deegaanno ku dhow duleedka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiran.
Guddoomiyaha gobolkaasi C/laahi Axmed Maalin Sufurow iyo mas’uuliyiin kale oo booqasho ku tagey duleedka B/weyne ayaa kulamo la qaatay waxgaradka deegaannada ay tageen iyaga oo kala hadlay xasilooni iyo nabad.
Guddoomiye Sufurow ayaa sheegay in muhiim ay tahay ku wada noolaanshiyaha nabadda iyo sidoo kale in la helo shacab ku wada deggan nabad iyo xasillooni.
“Waxaan u sameennay waxgaradka Labada dhinac muddo iyo ballan si ay nabadda ugu shaqeeyaan, waxaan rajeeneynaa in safarkeenna uu noqdo mid dadkaan u sababa nabadgalyo” ayuu yiri guddoomiye Sufurow.
Hiiraan waxaa muddooyinkaan dambe ka jiray xiisado u dhaxeeyey beello wada deggan gobolkaasi, iyadoo ay jiraan dedaallo badan oo lagu bixinayo in xiisadahan ay soo dhammaadaan.
Goobjoog News




SOURCE: Maamulka Hiiraan Oo Nabad Ugu Baaqay Beello Isku Haya Gobolkaasi

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.