Maamulka Jowhar Oo Ganacsatada Uga Digay In Ay Diidaan Lacagta Shilinka Soomaaliga

0
348

Ganacsatada iyo Sariflayaasha ku dhaqan magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka  Hirshabelle ayaa diiday inay qaataan lacagta Shilin Soomaaliga ah, waxayna arrintaasi saameysay dadka danta yar ee ku nool halkaasi.
Dhanka kale mas’uuliyiinta maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan degmada ayaa amray ganacstada magaalada Jowhar sariflayaasha in ay qaataan lacagta Shilin Soomaaliga ah.
Maxamed Cabadi Sheekh Muumin oo ah guddoomiyaha siyaasadda dhinaca maamulka gobolka ayaa uga digay ganacsatada in ay diidaan isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga ah waxaa uuna yiri.
“Maanta waxaa dhacday in lacagihii waddanka uu lahaa ee rasmiga ahaa laga diido gobolka, cidna ugu turi meyno inay iyaga noolaadaan reer Jowharna ay dartood wax u waayaan, waxaan amreynaa dhammaan laamaha amniga cid allaala ciddii diida lacagta Shilinka Soomaaliga in la keeno saldhigga.
Waxaa sare u kac laga dareemayaa Sarifka lacagta doolarka Mareykanka, waxaana maalmihii la soo dhaafay lagu sarifayay boqolkii doolar lacag dhan labo Malyan saddex boqol iyo lixdan kun oo Shilinka Soomaaliga ah, halka maanta uu marayo Labo Malyan iyo todobo boqol oo Shilinka Soomaaliga ah.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Maamulka Jowhar Oo Ganacsatada Uga Digay In Ay Diidaan Lacagta Shilinka Soomaaliga

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.