Maamulka Jubbaland oo xilka ka qaaday guddoomiyaasha degmooyinka Baardheere iyo Luuq

0
24

Wareegto ka soo baxday Xafiiska kusimaha Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ahna Madaxweyne ku xigeenka 2aad C/dir Xaaji Maxamuud ayaa xilalkii looga qaaday guddoomiyaasha degmooyinka Baardheere iyo Luuq ee gobolka Gedo halka guddoomiyaal cusub loo magacaabay.
Bishaar Aadan Cabdikariin ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha degmada Luuq halka guddoomiyaha degmada Baardheere loo magacaabay Ismaaciil Cabdi Qorax.
Xilka qaadistan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland ay ka maqan yihiin dalka.
Halkan ka aqriso wareegtada xil ka qaadista guddoomiyaasha degmooyinka luuq iyo Baardheere;

The post Maamulka Jubbaland oo xilka ka qaaday guddoomiyaasha degmooyinka Baardheere iyo Luuq appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Maamulka Jubbaland oo xilka ka qaaday guddoomiyaasha degmooyinka Baardheere iyo Luuq

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.