Maamulka Puntland oo ka hadlay weerar xalay lagu qaaday Saldhigga Boolis

0
2

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ka hadlay weerar bambaanooyin ah oo xalay lagu qaaday Saldhigga Booliska Bartamaha ee ku yaal Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in weerar xalay lagu qaaday Saldhigga Booliska ee magaalada Gaalkacyo uusan ahayn mid argagixiso.

“Wallaahi, arrintan hadda dhacday, ma aha argagixisadii noocaa uma shaqeeyaan, waxaan isleeyahay, waa dad khalkhalinaya amniga magaalada, meel kale kama imaan maaha argagixisada farsamadeedu noocaas, wax iskama tuuraane waxbay bi’iyaan ay hubaan.”ayuu yiri guddoomiye Axmed Muuse.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarkan ayaa sheegay in hal askari uu ku dhaawacmay oo uusan qasaare kala geysan.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa hore uga dhacay weeraro isugu jira dilal qorsheysan iyo bambooyin lagu xiro gaadiidka ay madaxdu leeyihiin.






SOURCE: Maamulka Puntland oo ka hadlay weerar xalay lagu qaaday Saldhigga Boolis

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.