Saynisyahano udhashay Israa’iil ayaa waxa aay soosaareen maaskaro afka iyo sanka lagu xirto oo is iskeed jeermiska iska dileysa kadib marka la dabeeyo sida taleefan si kuleylku udilo feyrasyada sida Korona.
Maaskarada ayaa la dabeynayaa iyadoo la isticmaalayo xargaha taleefanka gacanta iyada oo qaadaneysa 30 daqiiqo si uu unadiifsamo. Digtoor Yair Ein-Eli oo ka tirsan kooxda cilmi-baarista ee Jaamacadda Technion ee Haifa ayaa sidaan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters. Dadku waa in aaysan xiran maaskarada afka marka ay dabeynayaan.
Qalabka afka laga gashado wuxuu leeyahay duleel USB ah oo lagu xiriirin karo koronto, sida kuleylka taleefanka caadiga. Waxay kululaanaya lakab gudaha ah kaarboon ka sameysan in le’eg 70 digrii Selshiyaas, oo ay saynisyahannadu sheegeen inuu kufilan yahay in uu dilo fayrasyada.
“Maaskaro la tuuray ma’ahan xal”
Ein-Eli wuxuu leeyahay maaskaro la tuuro markii la isticmaalba ma’ahan mid dhaqaale ahaan ama deegaan ahaan wanaagsan. Waa inaad ka dhigtaa mid dib loo isticmaali karo oo fudud.
Farsamada maaskaradaan waxa aay u egtahay tan wajiga ee loo yaqaan N95 ee caadiga ah taas oo qeybta hore kuleh xargo laastiig ah si aay madaxa uqabsato.
Xuquuqda lahaanshaha
Baarayaasha waxa aay mareykanka ka diwaangeliyeen dhowridda xuquuqda lahaanshaha maaskaradaab dabayaaqadii maarso, Waxa aayna shirkado kala hadlayaan suuqgaynta maaskarada.
Wax aay u badan tahay in qiimahuhu $1 (Hal Doolar) ka qaalisanaan doono maaskada caadiga ah ee wejiyada sida ay sheegeen cilmi baadhayaasha.
HOOS KA DAAWO MUUUQAALKA MAASKADA