MACALIMAD SABAB U NOQOTAY GABAR YAR OO AY MACALIMAD U AHEYD INAY MILYINEER NOQOTO KADIB CIQAAB ADAG!!

0
1646

Macalimad wax ka dhigto mid ka mid ah iskuulada ku yaal dalka USA ayaa gabar 14 jir ah u diiday inay aado Musqusha.

gabadhii yareyd ayaa ku dhibtootay Xaajada waxayna ku gudan jirto qol keyd ah oo u dhawaa sida ay sheegtay Majalada The Huffington Post.

Lama fileyn inay arrinta heerkaan gaari kartay, ardayadii ayaana maxkamad u gudbisay dacwad ka dhan ah macalimadaan oo ku nooleyd magaalada San Diego ee Gobolka California, waxayna magdhaw ahaan gabadhii u dalbatay 25 Kun oo Dollar, Balse xeer beegtada ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay inay hesho lacag gaareyso ilaa 1.25 Malyan Oo Dollar.

Gabadhaan ayaa ka dhawaajisay inay la kulan tahay bahdil isla markaasna ay ku jees jeeseen saaxiibadee sidoo kalana farriin xun xun loogu soo diray taleefoonkeeda. Qareenkeeda ayaa sheegay in macalimada ay hadda ka dib adeegsiga qaacidadaan ay iska dhaaftay sidoo kalana waxayna arrintaan keentay in Iskuulka laga ceeriyo.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.