Madasha Xisbiyada Qaran oo ka digay qodobka muddo kororsiga ee ku jira Sharciga doorashooyinka

0
42

Madasha Xisbiyada Qaran oo shir isugu yimid ayaa ka digay muddo kororsi la doonayo in dowladdu sameysato, haddii ay arrimo farsamo awgeed u dhici waayaan doorashada soo socota ee 2020/2021.

Shirka Madasha oo uu shir guddoominayay Sheekh Shariif Guddoomiyaha Madasha, ayna wehliyeen Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee ku jira Madasha iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa dood dheer ka yeeshay qodobka 53aad ee sharciga doorashooyinka, waxaana qodobkaas tilmaamayaa haddii xaalado halis ah, sida aafooyin, abaaro, arrimo farsamo, kaasoo ogolanaya in dib loo dhigo doorashada.

Inkastoo Golaha Shacabka maalinta berri oo Sabti ah kulan ka leeyahay sharciga, lagana yaabo in la meel mariyo ayaa Madasha ka digtay haddii aan qodobkaas laga saarin uu dalka u horseedi karo qalalaase siyaasadeed oo khatar gelin kara nidaamka dowladnimada dalka ee xukunka loogu kala wareegi jiray xilliyada la soo dhaafay.

Madasha ayaa waxay uga digeen Baarlamaanka inay horseed u noqdaan in dalka uu galo qalaaase iyo xasillooni daro siyaasadeed, waxaana Madasha u soo jeediyay in muddo kororsiga haba yaraatee laga saaro sharciga.






SOURCE: Madasha Xisbiyada Qaran oo ka digay qodobka muddo kororsiga ee ku jira Sharciga doorashooyinka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.