Madasha Xisbiyada Qaran oo xalay ku shiray Muqdisho

0
99

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir uu xalay ku yeeshay magaalada Muqdisho waxaa uu kaga tashaday gurmadka iyo garaba istaagga dadka Soomaaliyeed ee wax ku noqday qaraxii maalin ka hor ka dhacay Ex Koontarool Afgooye.

Shirkan ay isugu yimaadeen Madasha Xisbiyada Qaran oo uu shir guddoominayay Sheekh Shariif ayaa looga hadlay sidii taageerayaasha Xisbiyada ku mideysan Madasha iyo Umadda Soomaaliyeed loogu abaabuli lahaa inay doorkooda qaataan.

Sidoo kale waxaa laga hadlay sidii Guddi qiimeyn ku sameeyay qaraxii maalin ka hor ka dhacay iyo khasaarihii uu geystay loogu saari lahaa.

Madasha ayaa sidoo kale ka shiray aragti ku biirnita sharciga doorashooyinka Qaran oo dhawaan golaha Shacabka uu ansixiyay, loona gudbiyay Aqalka sare.
The post Madasha Xisbiyada Qaran oo xalay ku shiray Muqdisho appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Madasha Xisbiyada Qaran oo xalay ku shiray Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.