Madaxweynaha cusub ee DDS oo HAL arrin oo khatar ah uga digay Siyaasiyiinta deegaanka (Akhriso)

0
307

Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar, ayaa markii ugu horeysay u digay Siyaasiyiinta deegaanka ka dhex wada abaabulka amni darro.
Mustafe Muxumad Cumar, waxa uu sheegay inay soo gaarayaan warar aan lagu farxin oo muujinaaya in Siyaasiyiin ku dhex sugan deegaanka Soomaalida ay horseedayaan dhibaatooyin amni darro oo ka dhaca deegaanka.
Waxa uu Mustafe Muxumad Cumar sheegay in ka maamul ahaan aysan u dulqadan doonin in laga dhex shaqeeyo muwaadiniinta ama amni darro laga abuuro deegaanka Soomaalida.
Waxa uu tilmaamay inay jiran shaqsiyaad horay kaalin weyn uga qaatay rabshadihii ka dhacay deegaanka Soomaalida, iminkana wada abaabul lagu carqaladeynaayo amniga, waxa uuna ku goodiyay cidii howshaasi loo qabto inay marin doonaan waddo sharci ah.
“Wax waliba waa suuragal inaan ka muujinaa tanaasul balse tanaasulka kama muujin doono arrimaha amniga iyo xasiloonida deegaanka”
“Cidii ka talaabtaa nidaamka jira waxa aynu ku qaban doonaa gacan bira, hadalkeygu waxa uu ku socdaa shaqsiyaadka wada dhibaatooyinka”
Mustafe Muxumad Cumar, waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uu culeyska saari doono amniga iyo cadaalada, iyadoo qofkii ku xadgudbaa labadaasi qodob lagu qaban doono gacan bira, sida uu hadalka u dhigay.
Haddalka Mustafe Muxumad Cumar, ayaa imaanaya kadib markii waxgaradka deegaanka ay ka dalbadeen inuu ka shaqeeyo cadaalada, isla markaana gacanta ku dhigo kuwa rabshada qeyb ka ahaa abaabulkeeda.
Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Madaxweynaha cusub ee DDS oo HAL arrin oo khatar ah uga digay Siyaasiyiinta deegaanka (Akhriso)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.