Madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki Oo Maanta Booqanaya Itoobiya

0
231

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki ayaa lagu wadaa inuu maanta booqdo dalka Itoobiya, sidaasi waxaa xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Yemane Meskel, taasi oo imaaneysa kadib markii labada dal ay ku dhawaaqeen inuu dhammaaday dagaalkii u dhaxeeyay.
Booqashada Isaias Afeworki  ee Itoobiya waxaa ay imaaneysaa kadib markii ra’iusl wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu horay u booqday Eritrea isla markaana uu la saxiixday heshiisyo dhinacyo badan, soona celiyay xiriirka labada dal.
Heshiisyada ay labada dhinac gaareen waxaa ka mid ah in safiirrada la celiyo, in dekadaha la wada maal-geshto, duulimaadyadii dib loo soo celiyo, arrimahan oo soo afjaraya dagaal xuduudeed so bilowday 1998.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki Oo Maanta Booqanaya Itoobiya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.