Madaxweynaha Eritrea oo tagaya dalka JABUUTI

0
277

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Eritrea Isiyas Afawarki ayaa dhawaan la filayaa inuu tago magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaasi, si halkaasi loogu dhameystiro heshiis lagu xalinayo xiisad colaadeed oo muddo sanado ah u dhaxeysay labada dal.Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xaqiijiyay safarka madaxweynaha Eritrea uu ku tagayo magaalada Jabuuti, isaga oo sheegay in dowladiisa ay aqbashay dalabka socdaalka.Madaxweynaha Eritrea ayaa la kulmi doono dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo kala hadli doono sidii loo dhameyn lahaa xiisadda colaadeed ee muddada u dhaxeysay labada dowladood, kuna saleysan dhanka xuduuda.Labada Madaxweyne ayaa bishii September ku kulmay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga, waxaana kulankaasi uu ahaa midkii ugu horeeyay oo ay yeesheen labada dhinac waxii ka dambeeyay markii ay ku dagaalameen Dumeyra.Kulanka Taariiqiga ayaa sidoo kale la filayaa in waxyaabaha looga hadlayo ay qeyb ka noqon doonto sidii Jabuuti ay qeyb kaga noqon laheyd isbadalka geeska ka socda ee u dhaxeeya dalalka Somalia, Eritrea iyo Ethiopia.Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@Live.com




SOURCE: Madaxweynaha Eritrea oo tagaya dalka JABUUTI

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.