Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan la qaatay saraakiil ka tirsan AMISOM

0
25

Madaxweynaha Maamul Goboleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta kulan kula qaatay Aqalka Madaxtooyada HirShabeelle ee Jowhar Saraakiisha Ciidamada Burundi ee AMISOM ee ka howlgalLa Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen Arimo la xiriira Amniga Deegaanada HirShabeelle iyo sidii loo fulin lahaa howlogal ka dhan ah oo la isugu furaayo wadooyinka deegaannada Hir-Shabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa uga mahad celiyey Ciidamda AMISOM gaar ahaan kuwa Burindi sida ay uga qeyb qaadanayaan dagalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanno ka tirsan Hir-Shabeelle.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay xiriir wadashaqyen ah la yeelan doonaan Ciidamada kala duwan ee ka howlgalla Hir-Shabeelle,isla markaana ay kordhin doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.






SOURCE: Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan la qaatay saraakiil ka tirsan AMISOM

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.