|

Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay James Swan

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kula kulmay maanta magaalada Jowhar ergeyga gaarka ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa loogaga hadlay dadargalinta iyo ka faaideysiga mashaariicyada horumarineed ee UNka.
Wadahadalada ay yeesheen labada mas’uul  oo ku dhacay jawi wanaagsan ayaa qodobadii la iskula soo qaaday la isku afgartay waxaana ergeyga xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee dalka Soomaaliya uu ballanqaaday in ay ka caawin doonaan dadka fatahaaduhu ay saameeyeen sidii ay noloshoodu dib ugu maareyn lahaayeen.
Fatahaadaha ka jira Hirshabelle ayaa waxaa ku barakacay kumanaan qoys halka ay kumanaan hekterna ay ku baabi’iyeen.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa horaantii bishii Oktoobar ee sanadkan ku kulmay magaalada Muqdisho.

The post Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay James Swan appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay James Swan

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application