Madaxweynaha Jubbaland oo markale eedeyn u soo jeediyay dowlada federalka

0
3

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland oo safar labaatan cisho
qaatay ugaga maqnaa dalka ayaa waxaa soo dhoweyn kadib uu warbaahinta kula
hadlay garoonka diyaaradaha  Kismaayo.

“Mudadii aan dalka ka maqnaa oo aan ku sugnaa Nairobi waxaan kulamo kala duwan la qaatey Beesha caalamka, Saamileyda Siyaasadeed ee
Soomaaliya iyo madaxda dalka aan dariska nahay ee Kenya dhamaantoodna waxaan
kala hadley arrimo quseeya Amniga, Siyaasadda iyo sidii xalwaara looga gaari
lahaa khilaafka DFS iyo Dowlad goboleedyada.”ayuu yiri Madaxweyne Madoobe.

Madaxweynaha ayaa  ku eedeeyay Dowladda Faderaalka Soomaaliya ka
shaqaynta duminta Maamul Goboleedyada dalka.

“Dowlada Federalka waxa  ay shaqadeeda dhanba kusoo koobtay halkee
dhisan oo aan duminaa ee aysan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka shaqeynin
taasna xisaabi ka danbeyn doonto” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweyne Axmed
Madoobe in dowlada ay ka wado carqaladayn  amniga iyo Dowladnimada dalka gobolka Gedo.

“Xaalada Soomaaliya hadda uma baahna anaa iri iyo
sidaan rabaa socon, ee xalka ay u baahantahay uu yahay wadatashi iyo in isfaham
rasmi ah lagaga gaaro waxkasta oo la isku qabto” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed
Madoobe.

Inkastoo eedeyntan uu jeediyay Axmed Madoobe ayaa
haddana waxaa soo baxaya  warar sheegaya
in dhexdhexaadin ay ka dhex wado beesha caalamka Maamulka Jubba iyo dowlada
federalka.




SOURCE: Madaxweynaha Jubbaland oo markale eedeyn u soo jeediyay dowlada federalka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.