Madaxweynaha Jubbaland oo xalay ka soo muuqday kulan sagootin loogu sameeyay Muqdisho

0
102

jowhar Somali News Leader
Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo muddo todobaad ku sugnaa magaalada MUqdisho ayaa waxaa xalay casho sharaf sagootin u sameeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo lagu wado in maanta oo Arbaco ah dib ugu laabtaan Kismaayo.
Kulanka sagootinta ee xalay loo sameeyay Madaxweynaha Jubbaland ayaa ahaa midkii u horeeyay oo lagu arko tan iyo markii Isniintii uu soo gaaray Muqdisho, wixii markaas ka dambeeyay warkooda ayaa la la’aa, iyadoo inta badan kulamada uu Madaxda dowladda la yeelanayay ay ahaayeen kuwo qarsoodi ahaa.
Bogga Facebook ee Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu soo bandhigay sawirada kulanka sagootinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu sameeyay, waxaana wafdiga loo sameeyay sagootin hab maamuuskeeda hooseysay.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxayay xaalada Axmed Madoobe, iyadoo la isla dhex marayay warar sheegayay in lagu xayiray Guri uu ka degay Muqdisho, inkastoo wararkaas markii dambe ay noqdeen kuwo been abuur ah.
Socdaalka Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa jawaab u ahaa safarkii Ra’iisul Wasaaraha ku tagay horaantii bishii hore ee March, waxaana lagu gaaray heshiis lagu soo afjaray khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa intii uu maalmahan ku sugnaa waxay labo jeer is arkeen iyo Madaxweyne Farmaajo, halka kulamo gaar gaar ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha iyo Agaasime kuxigeenka Nabadsugida Fahad Yaasiin.
Ilo kala duwan ayaa sheegaya in kulamada qaar la isku afgartay, waxaana la sheegay in Axmed Madoobe uu aqbalay qorshe dowladda wadatay oo ahaa inuu furo doorashada ka dhaceysa Kismaayo, ayna noqoto mid daah furan una u dhacdo si xalaal ah.
Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in marka uu dib ugu laabto Kismaayo faah faahin ka bixiyo kulamada uu la qaatay Madaxda dowladda Federaalka iyo wixii ay isla afgarteen.



#td_uid_1_5ca44eba8d8ed .td-doubleSlider-2 .td-item1 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/sagotin.-80×60.jpg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ca44eba8d8ed .td-doubleSlider-2 .td-item2 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/sagotin.1-80×60.jpg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ca44eba8d8ed .td-doubleSlider-2 .td-item3 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/sagotin.3-80×60.jpg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ca44eba8d8ed .td-doubleSlider-2 .td-item4 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/sagotin.4-80×60.jpg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ca44eba8d8ed .td-doubleSlider-2 .td-item5 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/sagotin.5-80×60.jpg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5ca44eba8d8ed .td-doubleSlider-2 .td-item6 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/sagotin.6-80×60.jpg) 0 0 no-repeat;
}





Kulanka sagootinta Axmed Madoobe


1 of 6























































































 
The post Madaxweynaha Jubbaland oo xalay ka soo muuqday kulan sagootin loogu sameeyay Muqdisho appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Madaxweynaha Jubbaland oo xalay ka soo muuqday kulan sagootin loogu sameeyay Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.