Madaxweynaha Kenya oo Saldhigga ciidamada cirka ee ugu weyn Kenya ka furay Gaarisa

0
14

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta magaalada Gaarisa ka furay saldhig cusub oo ay yeelanayaan ciidamada cirka ee dalkaas.
Saldhiggan ayaa noqon doona midka ugu weyn ee ciidamada cirka dalka Kenya ay leeyihiin, lagana ilaalin doono ammaanka guud ee dalka Kenya.
Xaruntan oo sidoo kale noqon doonto mid ay isticmaalaan ciidamada kale ee dalka Kenya ayaa u jirta magaalada Garisa illaa 15km.
Mas’uuliyiinta Kenya waxay sheegeen in saldhiggan cusub uu qayb ka qaadan doono la dagaalanka ururka Al-Shabaab, oo weeraro badan ka fulisay gobolka Waqooyi Bari.
Ururka Al-Shabaab ayaa dhowaan ka fuliyay howlgal milatari meel aan ka fogeyn saldhiggaas iyagoo ku gubay isbitaal.
The post Madaxweynaha Kenya oo Saldhigga ciidamada cirka ee ugu weyn Kenya ka furay Gaarisa appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Madaxweynaha Kenya oo Saldhigga ciidamada cirka ee ugu weyn Kenya ka furay Gaarisa

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.