Madaxweynaha Koofurgalbeed oo goordhow gaaray magaalada Marka

0
45

jowhar Somali News Leader
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdui uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Marka Xaruna Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wafdigan ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yaha Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose,xubno ka tirsan maamulka Degmada Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Marka.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa inta uu ku sugan yahay Marka waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Sare ee Gobolka Shabeellaha,kan Degmada,Waxgaradka iyo Bushada halkaas ku dhaqan.
Waa safarkii ugu horeeyay ee uu Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu ku tegay magaalada Marka tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha.
The post Madaxweynaha Koofurgalbeed oo goordhow gaaray magaalada Marka appeared first on Jowhar.




SOURCE: Madaxweynaha Koofurgalbeed oo goordhow gaaray magaalada Marka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.