Madaxweynaha Somaliland oo ku sii jeeda Imaaraadka Carabta.

0
26

Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo wafdi Wasiiro ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Madaxda Shirkada DP World ee mashaariicda ka wada Dekeda berbera iyo qaar ka mid ah waddooyinka Somaliland.
Safarka Muuse Biixi ku tagayo Imaaraadka Carabta ayaa ah kii labaad, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Somaliland, waxaa uu Imaaraadka tagay bishii March ee sanadkii hore.
Waxaa la filayaa inuu kala hadlo Madaxda Shirkadda DP World uu kala hadlo dardar gelinta qorshaha dib u habeynta iyo balaarin loogu sameynayo Dekadda wayn ee Magaaladda Berbera.
Muuse Biixi ayaa dhowaan safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kalana hadlay arrimo kala duwan oo quseeya iskaashiga iyo danaha labada dhinac ay wadaagaan.
Heshiiska Saamiga Dekeda Berbera waxaa qeyb ka ah dowladda Itoobiya oo xilligan loo arko in Imaaraadka Carabta ay xiriir dhow la leedahay, isla markaana wakiil ka ah danah Imaaraadka ee Gobolka Geeska Afrika.
The post Madaxweynaha Somaliland oo ku sii jeeda Imaaraadka Carabta. appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Madaxweynaha Somaliland oo ku sii jeeda Imaaraadka Carabta.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.