Madaxweynaha Somaliland oo markale la kulmay guddoomiyaasha xisbiyada mucaaradka

0
48

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad maanta madaxtooyada Soomaaliland ee Hargeysa kulan kula qaatay Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Markii kulankaasi uu soo dhamaaday ayaa wax warbaahinta la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani waxaana ay sheegeen in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf ka dhashay doorashooyinka Soomaaliland iyo muddo kordhin loo sameeyey Golaha Guurtida iyo Wakiilada Soomaaliland.




SOURCE: Madaxweynaha Somaliland oo markale la kulmay guddoomiyaasha xisbiyada mucaaradka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.