Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir oo ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah

0
509

Madaxweynaha wadanka sudan cumar Al-bashiir ayaa ku dhawaaqay inuu xaalad dee deg ah kusoo rogay dalkiisa muddo sanad ah, lsla markaana kala diray xukuumada iyo maamulka gobolada kale.

Al-Bashiir oo la hadlayay shacabka Sudan ayaa sheegay inuu si weyn u qiimeynayo banaan baxyada ka socda Sudan iyo xaalada murugsan ee ay ku jirto dalkiisa.

Waxaa uu ku wargeliyay Baarlamaanka inuu dib u dhigo is bedelka Dastuurka dalkaas, kaasoo u ogolaanaya inuu mar kale isku soo sharaxo doorashada Madaxtinimada sanadka 2020.

In ka badan labo bil ayaa waxaa dalka sudan ka socday dibad baxyo looga soo horjeedo madaxweynaha dibad baxyadaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Xaaladda degdegga ah ayaa awood dheeri ah siin doonta ciidamada ammaanka inay ka hortagaan dibad baxayaasha una xirxiraan, iyo inay caburiyaan saxaafadda iyo xisbiyada mucaaradka.

Bashiir ayaa wajahaya mudaaharaadyadi ugu weynaa kuwaas oo looga horjeeda xukunkiisa tan iyo markii uu la waregay awood wadanka 30 sano ka hor.


Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.